Ciidan dhowaanahan ku sugnaa duleedka Degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ciidamo duulaan ah oo fariisin ka sameystay halkaas kuwaas oo ka soo jeeday maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in ciidankii halkaas ku sugnaa ay dib isaga laabteen.

wariye ku sugan magaalada Xingalool oo la hadlay SBC ayaa sheegay in ciidankan ay u jaleeceen socdaalkooda dhanka iyo deegaanadii ay kal hore ka yimaadeen, ayna sababtay inay kacaan culus kaga yimid dhanka dadweynaha iyo qeybaha kala duwan ee odayaasha iyo wax garadka.

Dhageyso Wareysi aan la yeelanay Wariye Maxamed Saalax oo ku sugan xingalool.RIIX AMA DAAR

Dhowan ayay aheyd markii ciidankan soo gaareen degmada xingalool iyagoo fariisn ka sameystay meel duleedka ah markii shacabku kala hortageen diidmo ku aadan in aanay magaalada cagta soo dhigi karin.