Ciidamo Gadoodsan oo ka tirsan kuwa Maamulka Cusub ee Jubaland ayaa maanta xiray dhaq dhaqaaqyadii iyo isku socodkii dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalada caasimada u ah gobolkaasi Jubada hoose waa Kismaayee.

Ciidamadan ayaa waxa ay ka cabanayaan Mushaaraad mudo bilo ah aanay qaadan iyagoona fariistay goobaha muhiimka ah ee magaalada siiba aargada magaalada iyo wadooyin kale.

Warbixin faah faahsan oo arintaas ku saabsan dhageysto wariye Joogsade.RIIX AMA DAAR

Saraakiil ka tirsan ciidankan ayaa u sheegay warbaahinta in ciidankan la gadoodeen mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen oo aanay helin mudo dhan 3bilood .

Inta badan Magaalada Kismaayo maanta waxa ay u muuqatay Bandow, waxaana xiran dhaq dhaqaaqyadii ka socda goobaha waaweyn ee magaalada ee loo shaqo tagijiray sida dekeda weyn ee Kismayo.

Siciid Cabdi Daahir Joogsade
SBC International Kismaayo