Iyadoo uu soo idlaaday Shirkii loogahadyay Arimaha Soomaaliya ee ka dhacay Magaalada London islamarkaana ay ka soo bexeen Qodobo Mihim ah oo qeyb ka mid ahna ay ahaayeen Dhaqaale wadamadii ka qeyb galay ugu yabooheen Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay oo ra’yigooda ku cabiray sida ay u arkaan Dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso

Inkastoo dadku kala feker duwanaayeen hadana waxaad moodaa in ay u bateen dadka farta ku fiiqayay in aany shirkaasi waxba ku soo kordhin doonin xaaladaha Soomaaliya iyagoona Cambaareyn u dirayay Madaxweynaha Dowlada FEderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay fegradooda ku dhiibteen dadkan mar aynu microphone-ka la dhexqaadnay in Shirkaasi aanay ka muuqan dadkii loo baahnaa in ay ka qeyb galaan, sida Maamul goboleedyadii dalka ee aas aaska u ahaa dowlada Federaalka .

Waxay carabka ku dhifteen dadkan in shirkan uu ahaa mid dan u ah Soomaaliya islamarkaana ay tahay mid ay soo dhaweynayaan inkastoo ay dhaliilo jiraan.

Dhageyso Warbixin Dhameystiran oo uu Wariye Axmed Xirsi Jabra ka diyaariyay Warkan.Warkii Jabra ee Rayiga dadka

Dadkii la hadlay saxaafada waxaa ka mid ahaa dad ka mid ah ururada u dhaq dhaqaaqa Arimaha Bulshada iyo xuquuqda Aadanaha waxaana ay kula dar daarmeen dowlada Soomaaliya in dhaqaalaha la siiyay ay sidii loo baahnaa u maamusho oo ayan noqon mid lunsasho iyo meel kale la mariyo.

Sawiro
raiyi (1) raiyi (4) raiyi (6) raiyi (7)