Dadka ku dhaqan deegaanka lagu magacaabo Balidhidin ee gobolka Bari ayaa cabasho maanta soo gaarsiiyay warqabadka SBC international ee magaalada Boosaaso .

Cabashada dadkaasi ayaa waxa ay aheyd biyo la’aan iyo abaar mudooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa deegaanada ay ka mid tahay deegaankaas lagu magacaabo Bali dhidin.

Duqa degmada Bali dhidin Maxamed Jaamac Muuse ayaa u sheegay warqabadka in mudo bilo ah ay deegaanka ka taagneyd biyo la’aan aad u daran taas oo sababtay in ay barkac sameeyana dadkii ku dhaqnaa, inta ku suganina ay ku helaan biyaha qaab lacageed aanay awoodin.

Dhageyso Wareysiga Duqa degmada Balidhidin.RIIX AMA DAAR

Ugu dambeyntii Ayuu duqa waxa uu u diray baaq dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee puntland in ay ka faaiideystaan fadliga ramadaan caawimaad baaxadlehna u soo diraan dadka deegaankaas ee biyo la’aantu heysato.

SBC International Boosaaso