Xili ay soo foodleedahay bisha barakeysan ee Ramadaan qaar ka mid ah dad u badan haween oo ku jira xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baladweyne ayaa soo saaray cabasho dhanka nolosha ah ah.

Qoysaskan ayaa ka codsaday Hay’adaha samafalka iyo cid kastoo wax u qaban karta in ay gurmad deg deg ah la soo gaaran maadaama dhibaatada heysata ay saameyn weyn ku leedahay nolosha ah .

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys. RIIX AMA DAAR

Dadka badi ku jira xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baladweyne ayaa ka cabanaya xaalad nololeed oo aad u xun iyagoo qaarkoodba bilaabay in ay ka dawarsadaan suuqyada magaalada maadaama ay sugayaan caruur yar yar oo ay xaaladani saameyn ku yeelatay.