Xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland ee magaalada Garoowe waxaa maanta laga furay bangiga dhiiga isbitaalka Garoowe, kaas oo noqonaya markii ugu horeysay ee la furo.

Munaasabad lagu shaacinayay Furnaanshaha Bangiga dhiiga ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka siiba Wasiirka Caafimaadka iyo Dhaqaatiir kale.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Saadiq Eenoow oo ka hadlay Goobta ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid albaabada u fureysa in xal loo helo dhibaatooyin badan oo ka jiray howlaha caafiamadka, ayna tahay dhiib bixintu mid ilbax nimo ah si loogu badbaadiyo dad u baahnaa.

Dhageyso warbixin Faah faahsan oo uu diyaariyay wariye Faysal Khaliif barre.RIIX AMA DAAR

Ugu dambeyn masuuliyiin iyo dhaqaatir kale oo goobta ka hadlay waxay ugu baaqeen dadweynaha in ay dhuugooda ku deeqaan si loogu bad baadiyo dad u baahi qaba.