Baarlamanka Puntland oo dood uga socota maalmahaan aqalka Baarlamanaka ee Garoowe ayaa maanta go’aano soo saaray.

Baarlamanka Puntland ayaa ka doodayay xiriirka dowaladda Federaalka Soomaaliyan waxaana maanta kal fadhi dhacay lagu soo bandhigay shan qodob oo shirarkii socday iyo doodihii dheeraa lagu meel marshay.

Hoos ka dhageyso warbixin:

Hoos ka aqriso qodobada:

1: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray Dastuurkii lixda saxiixayaal uu yahay kii rasmiga ahaa wax kasta oo laga badalayna aanan sharci ahayn

2: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ku gaaray xeerarka Baarlamaanka FD ansixiyay oo aan lagala tashan dowladda Puntland sida uu qabo 111 ee dastuurka DFS, kuwaasoo aanan sharci ahayn, Puntland-na aanan ka shaqayn karin.

3: Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray inaanayn sharci ahayn, guddiga dib u eegista Dastuurka DF, guddiga doorashooyinka, guddiga xaduudaha iyo arrimaha federaalka kamana shaqo gali karaan dhulka Puntland.

4:-Baarlamaanka Puntland waxa uu go’aan ku gaaray in dhismaha dowlad-gobaleed aan waafaqsanayn dastuurka Federaalka qodobkiisa 50- farqadiisa lixaad oo ah labo gobal iyo wax ka badan aanan waxba ka jirin Puntland aanayn aqoon-sanayn.

5:Baarlamaanka Puntland waxa uu dib u eegis ku samaynayaa kalfadhiga kan xiga qodobaddaasi dowladda Federaalka inay wax ka badashay oo dariikhii saxda ahaa kusoo celiso iyo in kale.