Golaha Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa maanta fadhigoodii ay ku yeesheen magaalada Garoowe waxa ay ku ansixiyeen wasiir ku xigeenada, wasaaradaha Amniga, Cadaalada, iyo Kaluumeysiga Puntland oo uu dhowaan Magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole.

Waxaa sidoo kale Barlamanku maanta Ansixiyeen Gobol cusub oo ku soo biiray gobolada Puntland kaasi oo lagu magacaabo Gardafuu.

Gudoomiyaha Baarlamanka C/rishiid Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay in golaha wakiiladu ansixiyeen gobolkaas iyo 3da wasiir ku xigeen ayna xasaanad siiyeen xubin ka mid ah gudiga doorashooyinka Puntland bedelkeedii ka dib markii xubin ka mid ahi uu iscasilay.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu ka diyaariyay warkan Wariye Maxamed Siciid Yuusuf. RIIX AMA DAAR

Golaha Baarlamanka Puntland howshiisu waa mid maalinle ah iyadoo maalin kasta laga doodo hadba ajandayaasha horyaala laguna meel mariyo .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.