Barlamaanka Puntland ayaa maanta gudo galay ka doodista arrimaha siyaasada iyo federalka oo ka mid ahaa ajendayashii horyaalay kafadhigaan 35-aad waxaana maanta doodaasi ka bilaabmatay xarunta Golaha Ee Magaalada Garowe.

Golaha Ayaa Ka Doodaya heshiisyada ay kala saxiixdeen dowladda Puntland iyo dowladda federalka Soomaaliya iyo sida xukuumada Ay Udhaqan Galin Laheyd Heshiisyada Lala Galo Puntland.

Sidoo Kale barlamaanka Puntland Ayaa ka hadlay sharuucda ay soo soo saartay dowladda federalka islamarkaana aan lagala tashan dowladda xubnaha ka ah dowladda federalka.

Doodan Ayaa Socon Doonta ilaa Sabtida Soo Socota Walow Barito Ay Jimco tahay.