Maanta golaha wakiilada Puntland waxa ay Meel mariyeen wax kabedelka lagu sameeyay Xeerka Doorashooyinka golayaasha Deegaanka gobolada Puntland ee nidaamka Xisbiyada Badan.

Waxaa maanta la soo gaba gabeeyay ka doodistii mudada 10ka Maalin u socotay xildhibaanada Baarlamanka Puntland qodo ka mid ah xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka kaas oo ay horay ugu soo gudbiyeen gudiga doorashooyinka iyo xukuumada puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland C/rashid Maxamed Xirsi ayaa kaga dhawaaqay goobta kalfadhigu ka socday in doodo dheer ka dib ay xildhibaanadu wax ka bedelis uu tilmaamay in ay tahay kumeelgaar ku sameeyay xeerka Doorashooyinka golayaasha Deegaanka Puntland.

Hadaba dhageyso Warbixin faah faahsan oo ku saabsan Warkan ansixinta iyo wariye Samiiro C/raxmaan    DhageysoWarka idaacad ee xeerka dorashooyinka