Baarlamanka Puntalnd Oo ku guda jirra kala fadhigoodii caadiga ahaa ee 35-aad ayaa maanta asnixiyay Wasiirro Cusub Oo Dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Gaas.

Wasiiradda ayaa inta aan codka loo qaadin waxey Xildhibaannada ka hor jeediyeen khudbado kookooban oo ku aadan nolashoodda iyo waxey qaban doonaan,

Wasiiradda maanta la ansixiyay Oo gaarayay 12- wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa waxey kala ahaayeen wasaaradaha Cadaaladda, amniga, maaliyada, beeraha, caafimaadka, iyo waxbarashada.

Intaas ka dib waxaa laguda galay Cod uqaadista Wasiiradda Waxaanna gudoonku  ku dhawaaqay in Cod gacan taag ah ay ku codeeyaan xildhaabanadu,

56- Xildhibaan ayaa u Codeeyay Wasiiradaan Cusub, waxaanna Gudoomiyaha Baarlamanka Siciid Xasan Shire Uu Sheegay in Wasiiraddan Cusub ay yihiin Ansax loogana fadhiyo waxqabad Muuqda.

Ugu Danbeyn Qaar kamid ah Wasiiradda la ansixiyay oo la hadlay Warbaahinta SBC Ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin Codka Aqlabiyada leh ee ay ka heleen Golaha Wakiiladda ee dowladda Puntland.

Hoos ka dhageyso warbixin: