kalfadhigii baarlamaannka Puntland Ee maanta ayaa waxaa ahayd ansixita sharciyo badan oo horyaala baarlamaanka Puntland oo kamid tahay Dib u eegis lagu samaynayo dastuurka dowlada Puntland xisab xirka iyo qodobo kale.

Siciid Xasan shire Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa mar uu golaha ka hor hadlayay sheegay in mudaneyaasha ay u taalo shaqo adag oo loo baahan yahay in la guda galo maalmaha soo socda taas oo ay ugu horeyso ansixinta xeerarka xukumada soo gudbiso iyo ansixinta heshiisyada dowladu gashay.

Waxa uu gudoomiyuhu sheegay in aan maanta laga gaareynin hor imaanshaha xubnaha ku cusub xukuumadda ee isku shaandheynta ku yimid balse ay dib u dhiganayaan maalin nimada berito ah iyo wixii ka dambeeya.

Siciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaaday qodobkan la isla goostay in masuul kasta oo ku shaqo leh amaanka dalka uu horyimaado baarlamanka.

Barito Ayaa La Filayaa in Baarlamanka Ay Horyimaadaan Wasiiradda Cusub Ee Uu Magacaabay Madaxweyne Gaas.

Hoos ka dhageyso warbixin: