Magaalada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa mar qura saaka waxaa lagu soo toosay weerar uu ku soo qaaday cayayaanka loo yaqaan ayaxa oo dhul magaaladaas ku habsaday.

Wariyaha SBC ee Xingalool ayaa soo shegaya in ayaxan oo aad u tira badnaa ay dadku siweyn ula dagaalamaeen si ay uga kiciyaan dhulka uu ku habsaday si aanu xaaluf uga geysan sidaasi awgeedna ay inta badan ka kiciyeen dhulkii uu soo gaaray.

Odayaasha Xingalool oo warbaahinta kula hadlay degmadaas ayaa sheegay in ayaxan uu ahaa mid farabadan oo musiibo ah islamarkaana koox koox u duulayay, saameyn balaaranna ku yeelan doona deegaanka .

Dhageyso Warbixin gaaban oo aan la yeelanay Maxamed Saalax oo ku sugan Xingalool.
RIIX AMA DAAR

Deegaano farabadan oo ka tirsan Puntland ayaa laga soo sheegayaa in ayaxani uu saameyn balaaran ku yeeshay isagoo laga cabsi qabo in uu xaalud ba’an kageysto deegaan dhuleedka beeraha laga fasho ee gobolka.