Axmed Faarax ismaaciil gudoomiyaha Degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa shaaca ka qaaday in degmada Ufeyn qaati loogaga taagan yahay Ayax farabadan oo degay dhulka degmadaas ku xeeran iyo degmadaba,

Axmed Faarax oo maanta nagu soo booqday xarunta warbaahinta SBC ee Boosaaso ayaa waxa uu sheegay in Ayaxaasi ay isku dayeen inay la dagaalamaan dadka deegaanka, waxastana ay ku sameeyeen balse aanu weli ka kicin halkii uu ku habsaday.

Dhageyso Gudoomiyaha Ufeyn oo wareysi ku faah faahinaya ayaxa saameynta ku yeeshay Ufeyn.RIIX AMA DAAR

Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in ayaxaasi ay ku rideen rasaas, ku fureen sunta beeraha iyo weliba waxyaabo kale oo la isku dayay in goobta laga kiciyo balse aanu ka kicin weli .

Saameyn baahsan ayuu yeelanayaa ayaxan hadaan loo muujinin ladagaalan, waxaana uu xaaluf u geysanayaa dhirta deegaanka ka baxda.

Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in ay la xiriireen ka maamul ahaan wasaarada deegaanka Puntland ayna la socod siiyeen xaalada ka soo cusboonaatay deegaanka ayna weli ka sugayaan jawaab.

waxa uu ugu baaqay dowlada iyo hay’adaha ku shaqada leh in laga muujiyo arintan wax qabad inkastoo ay tahay mid alle uu abuuray deegaankana ku keenay.