Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaan Axmed madoobe ayaa kulan sagootin ah magaaladda kismaay ugu qabtay Safiirkii Hore ee dowladda somaliya ufidhin jiray Dalka Kenya, Amb. Axmed Ameeriko,

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyadda Kismaayo ayaa waxaa Cali ameeriko lagu gudoonsiiyay Bilid sharaf uu ugu talagalay Madaxweynaha Jubba Axmed madoobe.

Ameeriko Oo Goobta ka hadlayna wuxuu amaan usoo jeediyay Hogaanka Maamulka KMG Ah Ee Jubbaland Kaas oo uu sheegay inuu door weyn ka qaatay Hormarka Gobolada jubooyinka.

Dhinaca Kale Axmed madoobe ayaa ku amaanay Safiirkii Hore ee somaliya ufadhin jiray wadanka kenya sida uu oga qeybqaatay Gar-gaarida somalida ku nool dalka kenya kuwaas oo uu sheegay iney Dowladda kenya kala kulmayeen cadaadis Kala duwan.

Cali Ameeriko Ayaa ugu danbeyn Halkaas lagu gudoonsiiyay Bilad sharaf iyadoo Uu Qeyb ka ahaa shirarkii ka socday kismaayo ee lagu ansixinayay Dastuurka maamulka Jubbaland.

DHAGEYSO WARBIXIN: