Waxaa Maanta Bilaabatay Xareynta Ergada Ansixinaysa Dastuurka Maamulka Jubbaland, Waxanna Shirar Kala Duwan ay ka socdaan magaaladda Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Ergadda ayaa ka imaan Doona Goboladda Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubadda Hoose, Waxeyna isugu imaan doonaan magaaladda Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba.

Madaxweyne Ku Xigenka Labaad ee Maamulka Jubbalandi Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere Ayaa Ugu baaqay Ergooyinkaasi iney soo da dajiyaan Ansixinta Dastuurka Maamulka Jubbaland Kaas Oo Dhawaan la Qoroy.

Waxaa Aad loo adkeeyay Amaanka xarunta Caymiska Ee Magaaladda kismaayo halkaasi oo Ay Ka socoto Dhameystirka Dastuurka Maamulka KMG Ah Ee Jubbalandi.

Qorista Dastuurkan iyo Guud ahaan Dhismaha maamulka ayaa waxaa dhinac socda Khilaafyo kala duwan oo hareeyay Maamulka Jubbaland Kaas oo Lagu Dhaliilayo inuusan Ka Qeybgalin Howlaha Socda Waxgaradka Goboladaasi.

Hoos ka dhageyso wabixin: