Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Kalabeyr oo 25 KM u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay 3 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas,waxaana sidoo kale jira dhaawacyo ka dhashay.

Al-shabaab ayaa la wareegay degaanka kalabeyr kaddib markii ay dagaal kula galeen Ciidamada dowladda ee ku sugnaa degaankaas.

Ciidamada dowladda ee ku sugnaa degaanka kalabeyr ayaa dagaal kooban kala hortagay Al-shabaab intii uu weerarka socday,waana ay isaga baxeen iyaga oo ay ugu dambeyn Al-shabaab qabsadeen.

Degaanka Kalabeyr waa barta Koontarool ee dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana ay halkaas u tahay degaan ay ku qaadaan Canshuurta kala duwan ee Gobolka.

Al-shabaab ayaa markii ay la wareegeen kaddib isaga baxay degaankaas

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan (Baadiyow) Ayaa la Hadlay SBC, oo Ka warbixiyay Qasaaraha dagaalkaasi