Dagaalkan, ayaa u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan labada maamul ee horaantii bishaan siyaabooyinka kala duwan loogu kala doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka waxa uu ka dambeeyay markii ciidan taabacsan Maamulkii Dowladda Fadraalka Ah iyo kuwo madni ah oo deegaankasi ka soo jeedda ay Ku Dirireen gudaha Saldhiga dagmadda, intaasi kadibna waxaa soo kala dhexgalay ciidamadda ahlusunna oo iyagu Guud Ahaan Hadda la wareegay saldhiga dagmadda iyo Guud ahaan Amaanka dagmadda cabudwaaq.

Iska horimaadka labada dhinac oo caweysnimadii xalay bilowday, ayaa markale aroornimadii hore ee saakay dib kaga qarxay Magaalada Caabudwaaq, iyadoona Magaalada laga maqlaayo daryanka rasaasta.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay Dhaawaca 5- Qof  iyadoo ay suurta gal tahay in khasaaruhu uu intaa ka bato.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaanka waxay ku baaqayaan in si deg deg ah xabadda lagu joojiyo, lagana wada hadlo xurgufta u dhaxeysa labada dhinac, si dagaal hor leh looga baaqsado.

Nabadoon Ximbil oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa SBC oga waramay: