Shir Dhowanahan uga socday Culi maaudiinka Ahlusuna Waljamaaca Xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa waxaa laga soo saaray Go’aamo ay Ahlusuna ku dooneyso in ay ku dhisato Maamul goboleed.

Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa aqriyay Go’aamada ka soo baxay Kulankii ugaga socday Culimaaudiinka isagoona sheegay in mudo 15 maalin gudahooda lagu soo dhisayo maamulkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ay isugu iman doonaan Magaalada Dhuusamareeb iyagoo na dhidibada u taagi doona maamulkaas.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu Warkan ka diyaariyay Wariye, RIIX AMA DAAR

Go’aamamda ka soo baxay kulankii ka dhacayay Dhuusamareeb ayaa ah mid soo jiitamayay mudo sanado ah waxaana ay aheyd Sanadii 2012 markii masuuliyiinta Maamulka Ahlusuna ay shaaciyeen inay sameysan doonaan Maamul goboleed mideysan.

Cubeyd Xasan Maxamuud
SBC International Guriceel.