Agaasimaha Isbitalka Gaalkacyo Ahna xog hayaha guud ee ururka dhaqaatiirta PNA Dr Maxamed Xuseen Aadan ayaa ka hadlay Amaro dhowaan ay soo saartay wasaarada Caafimaadka Puntland kuwaas oo ku aadanaa in ay dhaqaatiirta puntland is diiwaan geliyaan.

Waxa uu sheegay Ditoorku in arintaasi ay tahay mid mudan in lala socdo dhaqtar walbana uu isku soo diiwaan geliyo inta aysan ka dhicin dete-ka loo qabtay in uu dhaqtar walba isa soo diiwaan geliyo ee ku eg 14ka bishan.

Dhageyso warbixin uu warkan ka diyaariyay wariye C/laahi Yare.RIIX AMA DAAR

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa soo saaray wareegtooyinka ku aadan in dhaqaatiirta reer Puntland iska soo diiwaan geliyaan wasaarada Caafimaadka si loola socdo oo loo hayo lasocoshadiisa.