Tuulada Warfaarax oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka dhacday arin naxdin leh ka dib markii qoys degen halkaasi ay ku sumoobeen biyo ay cabeen.

ku dhowad 4 qof ayaa ku dhintay halkaas ka dib markii qoyskaasi ay cabeen biyo ay ku shubteen weel ay ka dhamaatay sun nooca loo qoosho waraabaha ah.

Geerida 4ta qof ee qoyskaasi ka tirsan waxaa xaqiijiyay Aabaha guriga oo xiliga dhacdadaasi ay dhaceysay isagu ka maqnaa hoyga, waxaana tiro kale oo qoyskaasi ka mid ah ay xaaladoodu tahay mid liidata iyadoo lagu daweynayo isbitaalada magaalada Muqdisho .

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo ay Jowhar ku diyaarisay Wariye Maka Beela.RIIX AMA DAAR