Gelinkii hore ee maanta duleedka magaalada Boosaaso waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay koox 13 ah oo ay maxkamada sare Puntland ku xukuntay Dil toogasho ka dib markii ay ku heshay dembiyadii ay ku eedeysnaayee,

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka Sida Puntland C/fataax Xaaji Aadan ayaa xaqiijiyay dilka 13kan qof isagoo sheegay in saaka abaare sagaalkii lagu fuliyay dilka.

Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiyuhu in 13 qof oo ay ku jirto Haweeney la toogtay kuwaas oo ku eedeysnaa dilal ay u geysteen qaar ka mid ah culimada Puntland siiba alaha u naxariistee Caalimkii reer Puntland Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.

Dhageyso RIIX Halkaan

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dil ku fuliso Puntland dad ku eedeysan in ay dilal ka geysteen Puntland  kuwaas oo ay maxkamadi xukuntay.

SBC International News Desk