Nolashu waa shay qaali ah una baahan lafalgalkeedu barasho , kalsooni iyo dulqaad dheeri ah waxa ay ku baraysaa waxyaalo farabadan , waxa ay kuu dhigaysaa casharo kala duwan , waxaad ka faa,ideysaa khibrado kala nooc , laakinse si, aad u gaartid intaas waxaa ay u bahantahay , barasho, dulqaad , ixtiraam iyo umaqsuudid wajiyadeeda kala duwan .
Waxa ay u bahantahay yool iyo hiraal , waxa ay ku baraysaa ixtiraanka fikradaha dadka kale iyo dulqaadka dadka aan dabeecada lahayn , waxa aad ka faa’ideysaa ushaqaynta bulshadaada si aad ugaarsiin lahayn hormar , waxa ay ku baraysaa saaxiibtinimo, waa ay ku fahansiinayasaa , waa ay ku dareensiinaysaa , waa ayna ku tusineysaa macaankeeda iyo sida ay tahay , waxaa ay ku gelineysaa nolol kale oo aad aga duwan tan aad ku jirtay , ka macaan , kana faa’ido badan .
Saaxibtinimadu waa waxa ugu wanaagsan waxa jira , ugu fiican , ugu qiimaha badan , aadan ka maarmi Karin in aad heshid mooye , waa wax ay ku dhasheen aadamuhu ilaaheyna uu kugu maneystey helitaankeeda , cidna agama baahnid in aad ka baridid , ama aga amar qaadatid .
Dhalinyarada badankooda oo aan goob joog uso ahaa saaxiibtinimadooda waa ay ka duwanyihiin tan , aan lakulmay waa saaxiibtinimo igu abuurtey isbedel , I bartey macnaha saaxiibtinimada , fahankeeda iyo macaankeeda , waxaa ay I bartey in saaxiibtinimadu ay ku dhisantahy , Isfahan, isku dulqadasho, isa saamixid , isu filitaanka wax wanaagsan ,in aad la jeclaato saaxiibkaa waxa aad la jeceshahay nolashaada.
Markad aad fiirisid fikirka ay ka aaminsanyihiin dhaliyaradu ama aad cabirtid saaxiibtinimada waa saddex qeybood .
1 : qeyb dadka kamid ah waxa ay aaminsanyihiin in saaxiibtinimadu ay tahay wax xun ayna muhiim tahay ka feejignaanta in aad samaysatid saaxib , waxaana u sabab ah inay ka aaminaan sidaas saaxiibtinimada , oo ka macaan malab , kana carab badan miskiga , wax ay ku arkeen saaxibadood oo ahaa kuwo xun nabigeena suuban NNKH waxaa uu noosheegay ( qofku in uu noqonayo sida saaxiibkiis oo kale , waxa uu nagu baraarujiyey in aan iska fiirino qofka aan la saaxiibeyno ) hadaba waxaa ka fahmaysaa hadalka nabiga NNKH in uu qofka saameyn ka yeelanayo saaxiibkiis , hadii aad la saaxiibtid qof mukhaadaradka isticmaala adna waad isticmaalaysaa , hadii aad la saaxiibtid qof wanaagsan ku xiran masjidka , alle ka cabsi badan adna lamid ayaad noqoneysaa .
2 : qeybtakale waxa ay aaminsanyihiin in ay saaxiibtinimadu u tahay nolasha nicmad , una xanbaarsantahay qofka kheyr , qofka aadamaha ahna uu ku khasbanyahey in uu yeesho saaxib fursadna uu siiyo .
3: qeybta ugu danbeysa waxa ay aaminsanyihiin in saaxiibtinimadu ay saamayso qofka , ay kaa samayso lama dhica , waxa ay leedahay saamayn dhanka wanagsan , saamayn Dhanka xun ah, sidaas darteed qofka dhalinyarada ah oo wax kala garanaya in uu ka feejignaado saamaynta dhanka xun , uuna xoojiyo samaynta dhanka wanaagsan , u caadalad sameeyo saaxiibtinimadiisa .
Mar hadii aan u kala qaadney aana u cabirney sidaas fikirka iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dhalinyaradu saaxiibtinimada ,adigu midkee ayaa waafaqsantahay ? mise saaxiibku saamayn maku yeeshaa saaxiibkiis ? samayn maku yeeshaa mustaqbalka saaxiibkiis ?
Fikirka iyo cabirka aad ka qaadanaysid marka aad aragtid dhalinyarada saaxiibtinimadooda waxaa kaaga soo baxayaa . in ay saaxiibtinimadooda aysan dhaafsiisanayn , in ay wada ciyaaran , tartan , internet , filimaan , musalsal daawasho , maqaaxi , kofeteeriya , sheekeysi , wakhti dhumis , iyo wax aan u qalmin macnaha saaxiibtinimada , waa arin layaab leh waxa ay kugu abuuraysaa isbedel waxaad dareemaysaa in ay macnahay saaxiibtinimadu ay ka weyntahay intaas .
Waxaa ay aheyd saaxiibtinimadii ugu wanaagsanayd ma, aaminsaneyn wax la yiraahdo saaxiib laakinse waxaan ka bartey saaxiibkey , ( waxaa uu agteyda yahey markasta , wakhtiyada kala duwan ee nolasha ay kugu soo wajaheyso , markaa aan faraxsanahy , markaan aan careysnahey , wakhtiga aan dhibaateysanahay , wakhtigaan aan ladnahey , saaxiibkey waa kan markii aan ku khaldamo aan ii qaban ii isku qanciya kana dhaadhiciya nafsadiisa malaha iilama jeedin , waa kan I difaaca marka aan ka maqnahay , waa kan an ka faa’ ideysto cilmigiisa iyo akhlaaqdiisa ‘ waa kan wax ii soo hadiyeeya ana aan wax u hadiyeeyo , markastana I xasuusiya cabsida ilaahay igula taliya waxa wanaagsan . )
Marka aad fiirisid dhalinyarada badankooda waxa ay ku burbureyso saaxiibtinimadoodu waa wax aysan ku kala tagin dadka saaxiibada dhabta ah , aysan ka wada murmin , aysana soo hadal qaadin , Isfahan la,aan dhanka dooda ah , tartan gabdheed , khiyaano ay isku sameeyeen , iyo wax lamid ah , saaxiibada dhabtam , iskuma khilaafaan dooda ee waxa ay leeyihiin ( Isfahan dood wanaag saaxiibtinimo ) .
Calaamadaha lagu garto saaxiibka dhabta ah
1: waa kan xoojiya iimaankaga , kugu yeeri dhanka waanagsan iyo dariiqa saxda ah .
2: waa kan kuu kordhiya cilmi aana kaa hagran aqoontiisa .
3: waa kan kuugu gargaara xaqa iyo waxkasta oo wanaagsan .
4: waa kan kuugu yeera kheyrka ilaahay iyo adeecidiisa .
5: waa kan kaa reeba wax kasta oo xun , kugu toosiyana dhanka wanaagsan .
6: waan kan ku difaaca markaad jogtid iyo markad maqantahayba .
7: waa kan ku caawiya wakhtiyada aad dhibantahay .
Saaxiibtinimadu waa shay aad u macaan , waxa ay ka macaantahay malabka , waxa ay ka carfoontahay cuudka , waxa ayna ka cadahay caadka , waa wax qaali ah qofkii helana uu mudanyahay in uu mahad U celiyo ilaahaygii ku manaystey .
Hadaba waxaan jeclaystay In aan la qeybsado dhaliyarada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan waxa ay tahay dhabta iyo in aan layska indha tirin xaqiiqada , ee laga run sheego saaxiibtinimada , laguna daydo saaxiibada wanaagsan .
w/q : Maxamed saalax axmed ( guure )
email : ibnu-salax007@hotmail.com
Daalacatey :501