Maqaal Gaaban oo la magaca Baxay (Lakulankii dareenka lahaa)

Nolashu waa imtixaan subaxkasta waxaa ay kugu soo wajaheysaa waji cusub waxay u bahantahay dulqad iyo dhabar adeyg waajihideedu , mararka qaarkood waxaa ay ku tusineysaa wax aysan aqbali Karin nafsadadu lakin ay kugu kalifeyso dantu , qof maantey ayuu maalqabeen yahay kankalana beri midkale maantey ayaa uu ku noolyahay nolal farxad leh kan kalana beri mahan mid ku ahaneysa sida aad u rabtid sida aad u jeceshahay adigu ma maamuli kartid sida ay kuu ahaaneyso lakinse waxaad ku khasbantahay in aad ku waajahdo sida ay kugu soo wajahdo .

1991 – waxaa burburey dawladii , qaranimadii iyo midnimadii Somaliyeed , waxaa biloomey dagaal sababey dhibaatooyin farabadan , waxaa bilaabmey dhac, boob, dil , kufsi barakac iyo wax lamid ah .

Dagaalkaasi waxa uu barakiciyey dadka aad u farabadan , marka ay  barakacayeen madooneyn in ey barakacaan lakinse waa waji cusub ee ay ku soo wajahdey nolashu danta ayaa keentey in labarakaco .

Talo faraha ayey ka baxdey waxaa ay ka farkarayaan waa xagee meesha aan nolasha ula cararayno  , Waxa ay ka filayaan nolol aad u wacan rajadoodu maxuma , niyada aad  ayey ugu dhisantahay waxa ay filayaan amni ileen waxa ay ka soo carareen dil , kufsi , dhac, iyo gaajo

Waxa ay filayaan soo dhaweyn aad u fiican , waxa ay soo gaareen meshii ay u socdeen waa bariga soomaliya intooda ugu badan waxa ay yimaadeen bosaso iyagoo ka filanaya soo dhaweyn , shaqo , amni iyo daryeel ileen waxaa  soo saameeyey dagaal .

Wey soo gaareen meeshii ay u malaynayeen in ay ka helayaan waxa niyadooda ku jirey , waxay bilaabeen in ay ku dhex darsamaan dadkooda , waa ay iska xamaalanayeen lakinse waxaa soo wajahay caqabado farabadan oo aysan meesha ku darsan , waxaa ay lakulmeen kufsi , caafimaad xumo , nafaqo daro iyo daryeel xumo , waxey dareemeen iney kala duwan yihiin waxa ay filayeen iyo lakulankooda dareenka galiyey  .

Dadbadan oo ka mid ah waxa ay go,aansadeen in ay tahriibaan iyagoo radinaaya nolal ka fiican tan eey ku jiraan ,  Ciyaalkoodii waxaa saameeyey daruufta soo wajehday waalidkood , waxaa ay isku dayayaan in ay caawiyaan waalidkood , qaarkale waxa ay raadsanayaan nolal maalmoodkooda .  

Shaqooyinka ay qabanayaan kuma qanacsana lakinse waxaa ku khasbaya daruufta waa baalashle waxaa ay u gashay booskii waxbarashada waxa uu u baalashaya qof qani ah waxa uu ku labisanyahay dhar aad u cusub adna u qurux badan naxariisi kuma jirto  waxaa uu

leeyahay adeer si wacan u baalash hadiikale lacag iguma lihid , cunugii  yariiska ahaa waxa uu dareemay niyad jab waa uu isla hadlayaa waxa uu iskula hadlayaa naxariis darana masaana malqabeenku , waxa uu gaari u tirtiraya midkale sidii oo kale ayuu kula kulmayaa rajadiisi waa ay u dhamatey , maheysto waxa uu u bahnaa lakinse waxaa u bedelay isticmaalka mukhaadaradka ma jidho cid ka fakareysa , masuuliyad cidna iskama saareyso waa ay dhibaataysanyihiin .

Hooyooyinku waxa ay isku dayayaan In ay kaafiyaan nolasha caruurtooda lakinse ma awoodo waxa  ay helayso kuma filna waxa loo bahanyahay , Waa hooyo isku dayday In ay nolashooda lasoo baxaan waxa ay u shaqaysaa reer waa booyaaso lakine markii u dhamatey bishii waxaa ay  helashay garaac meeshii ay ka heli lahayd lacagteeda ma garanayso cid ay u cabato , xaquuqdooda cidna uma doodeyso waxay ku noqotey lakulan rajo gab leh.

Waxaa la hilmaamey daryeelkii dadka barakacayaasha qofkasta waxaa ka saran masuuliyad macalinka , aradayga , ganacsadaha , shuyuukhda iyo dawlada waxaa la hilmaamey masuuliyad ina saran waxa daah layska saarey masuuliyad laynu kula xisabtami doono maalin aan manta ahayn .

Waxaan wada raadineynaa oo aan u wada ordaynaa waa hormar  waxa aan ku heli karnaa is gacan qabsi , wadajir , kadib waxaa uu noqonaya hormar mira dhal leh . 

Mohamed Guure
ibnu-salax007@hotmail.com

2 Responses to Maqaal Gaaban oo la magaca Baxay (Lakulankii dareenka lahaa)

  1. Mohamed A. Ali says:

    waaa dareen naxdin leh runtii, waana xaqiiqo jirta oo bulshada si dhab isaga indho tirayso, waxaan aad ugu baahannahay in sida Mohamed Guure u sawiray nolosha dhabta ah ee ka dhex jirta deegaanka misana aan la dareensanayn in sidan oo kale qoraallo iyo muuqaallo documentary ah looga sameeyo iyadoo hadba dhinac laga eegayo. waxaan filayaa in la soo bandhigo tacaddiyo iyo dayaca ka dhex jira bulshada dhexdeeda inay qayb weyn ka tahay habka dadka noloshooda wax looga beddeli karo,

    Aad buu u Mahadsanyahay qoraaga Maqaalkan Mohamed Guure

  2. Reer qardhhod says:

    Tuug tuug dhalay hadaba ma ada ku haya boossaso adeer beenta jooji

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII