Kooxda Manchester United oo xiligan hogaanka Premiership-ka ku haysata 6 dhibcood ayaa la xaqiijiyey inay toosh ku raadinayo kubad qaabeeyaha kooxda Inter Milan Wesley Snijder & waliba goolhayaha kooxdaasi Julio Cesar.

Wargeysyo badan oo ka soo baxa dalka Talayaaniga ayaa waxay qoreen in kooxda Manchester United ee si adag u baada goobeyso labadaasi xidig ee kooxda Inter   xagaaga soo socda.Wararkan ayaa waxay soo baxeen ka dib markii uu Sir Alex Ferguson macalinika Man United uu muujiyay doonistiisa labadaas xidig ,Cesar waxaa lagu badali doonaa goolhayaha  caanka ah Edwin Vandersar oo 40  sano jir ah isla markaana  ka fariisan doona gabi ahaanba cayaaraha sanadkan iyo Snijder oo isagana lagu soo badalidoono Paul Scholes oo ka isagana ka fadhiisandoona cayaaraha. Sneijder waxa uu ka mid yahay ciyaartooyda uu marwaliba macalinka kooxda Man utd faaniyo , wuxuuna u  dhawaan markii uu kas oo tagayay kooxda reer Spain ee Real Madrid uu ku dhawaaday in uu ku soo biiro kooxda Man United, laakiin wuxuu aaday dhanka Talayaaniga gaar ahaan kooxda Inter Milan.

C/fataax Mowliid Xaaji
fahathaji@hotmail.com