Manchester United ayaa kulankeedii labaad ee horyaalka English Premier League waxay caawa la ciyaartey kooxda Tottenham ee ka dhisan waqooyiga magaalada London, waxaana kulankaasi oo ka dhacay guriga Shayaadiinta cas cas (Man United) ee Old Trafford uu ku soo dhamaaday qalbi jab & waji hoos u socod ah oo ay kala baxeen garoonka Hot Spurs ka dib markii lagu garaacay 3-0.

Sadex goo loo laba madaxa looga shaqeeyey oo uu ku hormarey Danny Welbeck oo bisha November ee soo socota 21 sano jir noqonaya, waxaana labeeyey goolkaasi Anderson halka kii sadexaad ee quusinta uu madaxa ku dhaliyey ciyaaryahan Wayne Rooney oo goolkiisii labaad dhaliyey laba kulan oo isku xiga.

Tottenham inay Ma United kaga badiso gurigeeda waxaa ugu dambeysay sanadkii 1989-kii wixii xiligaasi ka dambeeyey waa lagu soo karbaashayey ama ugu yaraan bar bar dhac ayaa lagu soo kala tagayey.

Guusha caawa Man U waxay u dhigan tahay in ay ku qabsatey hogaanka kooxda ay isku magaalada ka dhisan yihiin balse ay iska neceb yihiin jiirka & bisada waa Manchester City taasi oo haatan hogaanka lix dhibcood ku haysa oo ay wada siman yihiin Man United & Wolves balse faqri xaga goolasha ay ku hayso hogaanka Man City.

Man United sidaasi ayay ugu jirtaa kaalinta labaad, waxaa sadex fadhida Wolves oo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore faro cidiyo leh uga baxsatey inay gasho ciyaaraha heerka labaad, waxaa ku soo xiga oo kaalinta sadexaad ku jirta Eevrton oo 4 dhibcood leh iyadoo Liverpool ay la wadaagto dhibcaha balse ku jirta kaalinta shanaad, waxaa lixaad ka dagaalamaysa Chelsea, Newccastle ayaa leh sidoo kale afar dhibcood balse goolasha la iska dhaliyo iyo kuwa la dhaliyo ayay ugu jirtaa kaalinta 7-aad, QPR oo sanadkan ku cusub horyaalka ayaa ku jirta kaalinta 8-aad, Norwich oo sidoo kale ku cusub sanadkan horyaalka ayaa ku jirta kaalinta 9-aad, Arsenal ayaa iyadu fadhida kaalinta 14-aad, waxaa ugu hoseeya West bromwich oo kaalinta 18-aad ku jirta, Blackburn Rovers oo 19-aad ku jirta waxaana ugu hoseeysa Tottenham oo 20-aad ku jirta balse hal kulan uu baaqi u yahay.

Cabdifataax Mowliid
fatahhaji@hotmail.com