Kooxda Manchester United ayaa ciyaar adag oo ay maanta la ciyaartey kooxda Everton waxay ka heshay 3 dhibcood oo rafaad & juhdi badan galay, taasi oo u suurtagalinaysa rajadeeda ah inay ku guuleysato horyaalka Ingiriirks.

Weeraryahanka reer Mexico Javier Hernandez “Chachirito” ayaa u saxiixay gool caaqibo leh daqiiqadii 84-aad taasi oo neef weyn ka soo fujisay macalinka Man United oo maanta ay u dhaamatey ganaaxii soo istaagid la’aanta seeraha tababaraayasha.Man United goolka Hernandez wuxuu u suurtagaliyey guul ay hogaanka ku dheeraysatey oo ay ku gaartey 73 dhibcood iyadoo kooxda kaalinta labaad ku soo jirta ee Chelsea ka sareysa 6 dhibcood oo nadiif ah.

Ciyaartan oo ka dhacdey garoonka Man United ee Old Trafford kooxda maritda ah ee Everton waxay muujisay ku dhawaad saacad & bar dhabar adayg difaac oo ay ka gashay weeraryahanada Man United oo uu ka mid yahay wiilka horey uga mid ahaa Wayne Rooneey.Goolhayaha Everton Tim Howard ayaa u muuqdey in uu noqon doono xidiga ciyaarta hadii ay ku dhamaad laheyd 0-0 ka dib markii tiro ka dhawr uu si la yaab leh oo xirfad ku jirto u badbaadiyey kubado dhinac kasta uga imaaneyey oo ay soo tuurayeen laaciibinta Man United, laakiin daqiiqadii 84-aad ayaa difaaca Everton oo ciyaarta si weyn isku siiyey waxaa ka soo dhexbaxay gool uu soo farsameeyey Antonio Valencia waxaana madaxa si la yaab leh ula helay Javier Hernandez oo goolkiisa maanta uu noqdey kiisii 19-aad ee seacon-ka oo dhan uu dhaliyo, halka Premiership-ka uu ka yahay 12 gool

Man United waxaa sugaysa laba ciyaar oo aad oo ay la leedahay Arsenal & Chelsea waxaana labadaasi kulan uu ku xiran yahay rajadeeda ay qabto ee ah inay ku guuleysato koobka Premiership-ka markii 19-aad taasi oo ah taariikh cusub maadama ay hada wada haystaan Liverpool min 18 koob.

Wareysi Harnandez by BBC http://news.bbc.co.uk/sport1/hi/football/13177451.stm

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com