Manchester United ayaa guriga Schalke04 ciyaar ka dhacdey caawa oo ka tirsaneyd lugtii koowaad ee Champion Leugeu waxay ku quusisay 2-0 iyadoo u muuqanaysa inay kurisi ka sii carbuunatey final-ka Wembley lagu qaban doono bisha soo socot hadii Schalk04 aanay dib u soo kacid xoog oo taarikhi ah  ku sameyn guriga Man United ee Old Trafford lugta labaad ee Simi Final-ka Champion Leugue.

Shayaadiinta cas cas (Red Devils) waxaa la tusay ciyaar adag oo ay horey niyada ugu hayeen taasi oo kooxda Jarmalka ka socota ee Scahlka ay si weyn isku adkeysay mudo saacad ka badan, waxaase daqiiqadii 67-aad gool uu ka soo shaqeeyey Valencia si xarago leh u sii baasay Wayne Rooney iyadoo soohdinta shabaqa uu ka helay kubadaasi 37 sano jirka Ryan Giggs oo kubadaasi si caaqibo leh uga dhex baxshey lugaha goolhayaha Schalka Neuer oo tiro ka dhawr badbaado badan sameeyey.Laba daqiiqo ka dib kubad u soo baasay Hernandez ayaa waxaa shabaqa ku hubsadey Wayne Rooney iyadoo ciyaartii ay noqotey 2-0 oo ay hogaanka ku qabsatey Man United.

Weeraro badan oo ay isku dayeen ciyaartoyda Schalka way u suurtagali wayday inay ka gudbaan daafaca Man United waxaana ciyaartii ku soo dhamaatey 2-0 oo ay gacanta hore guushu ku raacdey shayaadiinta Cas cas oo gurigooda ku marti galin doono Schalka04 lugta labaad ee Simi Final-ka Champion Leugue.

Habeen dambe waxaa guriga Real Madrid isku arki doonaa labada kooxood ee xifaaltanka xoogan ka dhaxeeyo ee Barcelona & Real Madrid, kulankaasi oo qayb ka ah Semifinal-ka Champion Leugue.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com