Kooxda kubada Manchester City ee ka dhisan wadanka Ingiriiska kana mid ah kooxaha heerka koowaad ee Premiership-ka ayaa ayaa la xaqiijiyey inay ku doonayso aduun lacageed oo gaaraya 45 milyan oo doolar xidiga kooxda Udinese Alexis Sanchez kaasi oo la sheegayo in lagu badalyo xidiga reer Argentine Carlos Taves oo macalin Mancini aanay isku caloolfiyoobeyn.

Sanchez ayaa 29 kulan oo uu saftey wuxuu dhaliyey 12 gool waxaana la sheegay in haatan kooxdiisa Udinese in uu boos wanaagsan uga sameeyey ka qayb galka ciyaaraha Champions League sanadka soo socda.

Sanchez ayaa goor sii horeysayba waxaa isha ku hayey kooxaha Manchester United, Chelsea, Arsenal & Liverpool, laakiin waxaa la sheegayaa in isagu uu ku niyadsan yahay in uu ku biiro kooxda Mancheste City.

Weeraryahankan oo u dhashay wadanka Chilli wuxuu ka mid ahaa xidigihii wadanka Chili u matalayey ciyaarahii aduunka ee lagu qabtey wadanka Koonfur Afrika, waxaase la wada sugayaa garoonka uu ka soo muuqan doono iyo maaliyada uu xiran doono waaba hadii kooxda Udinese ay lacag ku doorsato laacibkan.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com