Manchester United ayaa garoonkeeda Old Traffrod ku garaacday kooxda Sunderland oo xaalad masiibo ah ku jirta, waxayna guushan Red Devils ku gaadhay 3:0 waxaana goolasha ukala dhaliyay Depay, Rooney iyo Mata, waxayna guushani Man United ka caawisay inay hogaanka Premier Leaque-ga kala wareegto kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City oo kulankeedii guuldaro wayn kala soo kulantay Tottenham.

Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawaysay kooxda xili ciyaareedkan dhibaataysan ee Sunderland taas oo kala saraynta Premier Leaque-ga kaga jirta kaalinta ugu hoosaysa. Sunderland ayaa lix kulan oo ay ciyaartay horyaalka Ingiriiska ka heshay laba dhibcood oo kaliya, waxayna Old Traffrod iskeentay iyada oo ku jirta xaalada dhibaato.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareed ka fiican sidii ay ahayd qaybta hore ee ciyaarta, waxayna daqiiqadii 46 aad ee bilawgii qaybta goolka labaad Man United udhaliyay Wayne Rooney kaas oo goolkan ku dhaliyay  kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay Anthony Martial , waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Man United hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

La wareegitaanka Hogaanka ee Manchester United ayaa ka dambeysay markii maanta duhurkii laga badiyay Kooxda Manchester City oo hogaanka u heysay horaalka, waxaana 4-1 uga badisay kooxda Tottenham Hotspur.
Tottenham ayaana ka soo kabatay gool looga hormaray daqiiqadihii hore ee ciyarta, waxaana ay dhamaadkii ciyaarta ay keensatay goolka bar baraha, iyadoo qeybtii labaad ay dhalisay saddex gool xiriir aheyd.

Manchester City ayaa guuldaradan u aheyd tii labaad oo isku xigta, iyadoo todobaadkii hore gurigooda loogaga badiyay, waxaana ka adkaatay kooxda Westham United.

Kooxda Liverpool ayaa Iyaduna Ciyaartay Waxeyna 3-2 uga badisay Aston Villa, waxaa Liverpool labo ka mid ah goolasha u dhaliyay Sturidge oo muddo dhaawac ku maqnaa.

 

Natiijada Ciyaarihii kale :

Tottenham Hotspur 4 – 1 Manchester City

Leicester City 2 – 5 Arsenal

Liverpool 3 – 2 Aston Villa

Manchester United 3 – 0 Sunderland

Southampton 3 – 1 Swansea City

Stoke City 2 – 1 AFC Bournemouth

West Ham United 2 – 2 Norwich City

 

Heerarka Lakala Marayo:

Manchester United ayaa hogaanka u heysa waxay leedahay 16 dhibcood, Manchester City 15 dhibcood, Arsenal 13 dhibcood, Westham United 13 dhibcood Leicester City 12 dhibcood

DAAWO SAWIRO :

ingiriiska-1 ingiriiska-2 ingiriiska-3 ingiriiska-4 ingiriiska-5 ingiriiska-6 ingiriiska-7 ingiriiska-8 ingiriiska-9 ingiriiska-10 ingiriiska-11 ingiriiska-12 ingiriiska-13 ingiriiska-14