Manchester United ayaa si xarago leh caawa ugu tumatey kooxda Schalke ee ka dhisan Germany ka dib ciyaar macalin Sir Alex Ferguson uu inta badan nasiyey laacibiintiisa taasi oo ka dhacdey garoonka Man United ee Old Trafford. Ciyaartan oo aheyd lugtii labaad ee Simi Final-ka Champions League waxaa kooxda Schalke oo isku daydey inay dib u soo kicid ka gasho guuldaradii gurigeeda ka soo gaartey todobaadkii hore ee Man U kaga soo badisay 2-0 ayaa la kulantey filan waa ka dib markii lagu dhugtey afar goo loo hor leh taasi oo isku geyn ku noqonaysa Aggretagate 6-1. Schalke waxaa niyad soo gashay markii ay ka war haleen in shaxda Sir Alex ay ka waayeen laacibiinta Man U sida Wayne Rooney, Javier Hernandez, Ryan Giggs oo weerarka ka ciyaara iyo waliba daafaca ay ku dhaarataan Shayaadiinta cas cas (Man U) sida Nemanja Vidic, Patrice Evra, Rio Ferdinand & Ryan Giggs. Laakiin Schalke rajadaasi waxaa god dheer ku ridey goolal ay shabaqada Schalke ku luleen Valencia oo daqiiqadii 26-aad gool caaqibo leh dhaliyey waxaana ku sii xjijiyey Gibson oo Shoot hoose oo uu qaban waayey goolhayaha Schalka Manuel Neuer goolkaasi oo uu dhaliyey daqiiqadii 31-aad, halka ciyaaryahan Anderson uu ku raxaaystey laba gool daqiiqadii 72-aad & 76-aad. Schalke waxay sii yeelatay niyad daqiiqadii 35-aad oo gool barbardhac oo waliba caaqibo lahaa uu dhaliyey ciyaaryahanka Juardo, balse taasi waxay aheyd filim dhamaaday oo tigid uu u goostey. Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatey 4-1 iyadoo labadii gool ee hore ee Man United horey ugu soo dhalisay guriga Schalke ay sidaasi ku noqotey natiijada 6-1 oo Manchester United ku badisay. Man United waxay fariisatey final-ka waxaana ay ku biirtey Barcelona oo xaley sagootisay Real Madrid, waxaana labadan kooxood ee Finalka fadhiya ay ku kulmi doonaan 28-ka bishan May garoonka aduunka ugu qaalisan ee Wembley ee ku yaal Galbeedka magaalada London. Macalinka kooxda Barcelona Pep Guardiola wuxuu caawa ku sugnaa garoonka Old Trafford ee ay Man U kula ciyaarsay Schalke isagoo indha indhaynayey qaab ciyaareedka Red Devils oo uu filayey inay u soo baxayso Finalka isla markaana fooda isku dari doonaan magaalada London.

 

 

 

 

 

 


Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com