Kooxda Manchester United ayaa u suurta gashay in ay guul caaqibo leh ka gaarto  kulan adag oo xudun u ahaa ku guuleysiga koobka Premiership-ka ay  la cayaartey kooxda dharka blue-ga  caanka ku  ah ee Chelsea, kulankaasi oo qayb ka ahaa  wareegii 36aad ee Premiership-ka.

Kulankan oo ka dhacay Old Trafford ayaa wuxuu ahaa mid final u ah  labada kooxood maxaa yeelay waxaa u dhaxeeyay sadax dhibcood oo kaliya waana arinta ka dhigtay cayaartan mid aad u adag oo aad u xiiso badneyd.Taageerayaasha kooxda Man United isma ayan lahayn daqiida ugu horeesa ayaa Man United gool dhalin doontaa, laakiin weeraryahanka u dhashay dalka Mexico ee Javier Hernandez ee lagu naaneeso Chicharito oo marka af-somliga loo turjuma ah Digirta-yar ayaa goolka koowaad dhaliyay asagoo goolhayaha kooxda Chelsea Check uu baalka midig ka dhigay kubada  ka dib baas fiican uu soo taagay cayaaryahan Park J.Sung .Kooxda shayaadiinta cas-cas ee Man United ayaa  isku dayay in ay sii laba laabaan goolakooda ka dib markii uu cunay weeraryahanka kooxda Wayne Rooney fursada oo uu qabtay midka midah daafacyda kooxda Chelsea oo lagu magacaabo  Ivanovic kaasi oo badbaadiyey kubad xitaa goolhaye Peter Check aanu joogin shabaqa.Kooxda Man United ayaa cayaarta maamulatay qaybtii koowaad waana mida u keentay kooxda goolka  labaad ee ahaa teesta uu si fiican u galay kabtanka kooxda Man U Nimanja Vidic ka dib karoos uu soo qaaday cayaartooyga rugcadaayga ah ee Ryan Gigs daqiiqadii 23aad,qeebtii koowaad ee cayaarta ayaa ku soo dhamaatey 2-0.Bilowgii qaybtii labaad ee cayaarata ayaa macalinka kooxda Chelsae Carlos Anciloti wuxuu soo galiyay labada Brazilian ee Alex & David Luiz iyo weerar yahan  FernandoTorres, badalada uu sameeyay macalin Ancelote waxa ay u keeneen  Chelsea rajo ay cayaarta ku soo bareejeeyaan ka dib marka uu dhaliyay gool si fudud lugta uu ula helay cayaaryahanka khadka dhaxe Frank Lampard daqiiqadii 63-aad.Kooxda Manchester United ayaa ku adkeysay guushan kaalitooda koowaad iyo 76 dhibcood ayaga oo ka koreeyaan kooxda ugu soo dhaw ee ah Chelsea 6 dhibcood oo cad.Guuldaradan waxa ay mugdi galisay mustaqbalka macalinka reer Chelsea Carlos Anceloti, maxaayeelay mulkiilaha kooxda Chelsea Roman Abromhovic  wuxuu ku caan yahay in uu buriyo macalimiinta marka ay fiicnaan waayaan, iyadoo Chelsea ay sanadkan fara marnaan koobab la’aan ah gurigeeda la joogta.

C/fataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com