Maamulka degmada Rako ee gobolka Karkaar ayaa ka hadlay iska horimaad meel ku dhow degmadaasi ku dhexmaray maleeshiyo beeleed halkaasi kuwada dhaqan.

Faarax Maxamuud Ibraahiim gudoomiyaha Degmada Rako raaxo ayaa SBC International u sheegay in dhacdadani ay dhacday ka dib markii laba reer guuraa ay ku kulmeen goob uu roob ka da’ay oo gobolka ka mid ah islamarkaasna ay dhexmaray israsaaseyntan .
Dhageyso

(Riix si aad u dhageysato)

Waxa uu intaasi ku daray in rasaasta dhexmartay labada dhinac ay sababtay geerida hal nin halka 4 kalena ay ku dhaawacantay,

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in arintani ay u baahantahay in wax laga qabto lana kala qaado maleeshiyaadkii dagaalamay oo iminka isku horfadhiga halka ay dhibaatadu ka dhacday, isagoona ugu baaqay labada dhinac ee ay dhibaatadu kala gaartay in ay joojiyaan wixii amaanka wax u dhimaya la isuguna yimaado miiska wadahadalka.

SBC International Boosaaso