Kulamadan ayaa waxa awada qaatay Madaxda Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe ee Dalka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee deegaanadaasi ku sugan .

Kulanka oo ahaa mid aad u balaaran ayaa ka dhacay gudaha Degmada Guriceel ee gobolkaasi Galgaduud, waxaana looga wada hadlayay arimo badan oo ay ugu weyneed sidii amaanka loo adkeynlahaa .

Sh Cumar Sh C/qaadir Gudoomiyaha gudiga talada Maamulka Ahlusuna ayaa sheegay in kulankaasi uu u badnaa wada tashi islamarkaaana ku aadan amaanka maadaama ay gobolka ku sugan yihiin .

Waxa uu sidoo kale beeniyay gudoomiyuhu in uu jiro Khilaafaad u dhexeeya Ahlusuna waljamaaca iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah eegobolada Galgaduud ku sugan, waxaana uu soo qaatay in maalmihii ugu dambeeyay ay jireen warar saxaafada qaarkood ay faafinayeen oo ku aadanaa arinta qilaaf soo kala dhexgalay Ahlusuna iyo Ciidamada Itoobiya.

Sikastoo ay ahaataba Hadalka beeninta Masuulkan ka tirsan Ahlusuna waljamaaca ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay jirtay hadal heyn ku aadan ciidamada Itoobiya in ay dib ugu laabanayaan dalkoodii ka dib markii ay ka bexeen deegaano ka tirsan gobolkaasi Galagaduud inkastoo warkaasi ay dowlada Itoobiya Beenisay.

SBC INternational Dhuusamareeb.