Magaalada juba ee Casimada Konfurta Sudan  Ayaa Manta siwayn loga ciday ayado Boqolaal Muslimina ay Goob Fagare ah ay Ku Tukadeen Saladi Ciida Waxana Salada tojinayeey Culima Siwayn loga yaqano dalka konfurta sudan.

Safiirka Dawlada Somaliya ee Konfurta Sudaan Ambasador Abdiraxmaan Dinari  iyo ku Xigenkisa oo ka mid ahaa dadki Manta salada Cida ku tukaday Garonka Ku Bada Cagta ee Xafada malakia ee Maagalada Juba ee konfurta Sudan ayaa halkaasi kula hadlay muslimti tukanayeey.

Ambasador Cabdiraxmaan Dinari  ayaa dhamaan muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Hawada u marinaya hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fitriga.

Dinari waxaa uu hambalyo udiray dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in umada Somaliyeed Ay Manta Cidayaan melkasta oo dunida ka jogan

‘..Anigoo ka fa’iidaysanaya fursadaan Ciida Waxaan Hambalyo udiraya muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Waxaan ilahay ka baryaya  in cidan cideeda uu nagu garsiyo nabad iyo barwaaqo.’’..Ayu Yiri.. Dinari

Maxamed Cismaan Maxamed oo ah Ku Xigeenka Safiirka Dawlada Somaliya ee Konfurta Sudaan ayaa isna dhankisa Hambalyo udiray muslimiinta Caalamka iyo shacabka somaliyeed Waxana uu ilahay ka baryeey in shacabka somaliyeed cidan cideeda ay ku cidan nabad iyo kala damayn.

Maxamed Cismaan ayaa Xusay in manta ay tahay malin qima wayn uleh umada islaamka islamarkana ay tahay in siwayn loga faidaysto.

‘..Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed meeley joogaanba Ciid Wanaagsan Cidan cideeda horumar kala damayn in ilahay nagu garsiyo Manta waa malin qima way ‘..Ayuu.’..Yiri

Malinta Qimaha Wayn ee Ciidul fidriga ayaa manta siwayn loga daremayeey Magalada juba ayadona muslimta ku nool dalkan konfurta sudan ay isudirayeen hambalyo ku adan munasabada ciida.

Sawiro









Cabdisalaan Axmed Shire
SBC Dalka Konfurta Sudan.