Afar askari oo horey uga mid ahaa ciidamada Dawlada Soomaaliya ayaa maanta lagu fuliyey xukun Maxkamadda ciidamada Qalabka ay ku ridey ka dib markii lagu helay dambiga ah inay dilal kala duwan geysteen.

Ragga la toogtey waxay kala ahaayeen:

1: Cali Maxamed Aadan oo 24 sano jir ahaa ina Sacdiyo Sheekh Gaab ku dhashay degmada Ufurow ee gobolka Baay deggan Degmada Baydhabo kaasi oo ahaa dable ciidamada xooga dalka ka tirsanaa.

2: Cismaan Maxamed Diiriye 25 sano jir ah ina  Faadumo Ibraahim ku dhashay degmada Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, ahaana dable ciidamada xooga.

3:Ibraahim Maxamed Xuseen 24 sano jir ah Ina Khadiijo Yuusuf ku dhashay degmada Afgooye Gobolka Shabeelaha Hoose ahaa dable ciidamada xoogga.

Maxkamaddu waxay sheegtey in sadexdan gacan ku dhiigle sanadkii 2009 ay ku dileen degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho  ex dable Cabdi Maxamed Afdheere oo ka mid ahaa ciidamada xoogga.

Gacan ku dhiiglaha afaraad ee toogashada maanta lagu fuliyey wuxuu ahaa Xasan Maxamed Abuukar kana mid ahaa ciidamada xooga dalka oo ku dilay magaalada Muqdisho sanadkii 2012 C/laahi Maxamed Xuseen.

Toogashadan oo ka dhacdey fagaaraha Iskool Boolisiiyo ee magaalada Muqdisho waxaa goob joog ka ahaa madax ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo maxkamada ciidamada qalabka sida, iyadoo xukunkan raggan uu halkaasi ka akhriyey Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow.askar_toogasho4

Goobta dilku ka dhacay waxaa sidoo kale soo dhoobtey dad fara badan oo shacab ah oo daawanayey habka toogashadu u dhacdey.

DAAWO SAWIRADA
askar_toogasho3 askar_toogasho  askar_toogasho1 askar_toogasho2

SBC News Desk