Waxaa maanta ka shaqayn magaalada Garoowe gaadiidka dadwaynaha ee loo yaqaan basaska ka dib  markii saaka hiirti waabari inta badan loo taxaabay saldhiga dhexe ee  magaalada Garoowe taaasi oo ka dambaysay amaro ay horay usoo saareen gudiga amaanka ee gobolka Nugaal waxaana ay awaamiirtaas oo la xiirtay in aysan basas ka dhex shaqeeya magaalada   aysan furan karin  allbaabka xiga dhanka wadaada kaasi dhibaato ka soo gaari karto dadka raaca gaadiidka dadwayanaha.

Joojinta gaadiidka dadwayanaha ee maanta aan shaqaynayn waxay saamaaynta ugu wayn ku yeelatay dad waynihii raaci jiray iyo ardayda wax ka barta dugsiyada Garawe  oo ay inta badan qaadi jireen gaadiidka loo yaqaano basaska oo aan maanta gabi ahaanba ka shaqayn magaalada.Xoghayaha dowlada hoose ee dagmada Garawe Qaasim Faraax oo maanta warbaahinta kula hadlayey saldhiga dhexe oo lagu xareeyey gaadiidka shaqada laga joojiyey waxaana uu sheegay in maanta shaqada looga saaray gaadiidkan iyo darawaladooda armar horay usoo baxay oo ay fulinwaayeen awgeed iyaga oo ka dhaga adaygay amaro la xiriira dhanka amaanka kaasi oo iyaga ay saamayn kulahayd qodob ahaa in aysan furinkarin albaabka wada xiga kuwa labada albaab leh

Waxaan uu intaas ku dary in gaadidkaas loo dhiibay dhalinyaro aan ka taxadarin masuuliyada wadayaashu leeyihiin iyagoona intabadan ka dhaga adayyga dhamaan awaamiirtii ku wajahnayd dhankood ee la faray in ay fuliyaan hadana ay xayirnaan doonaan inta ay helayaan mulkiila yaashii gaadiidkan maanta la xiray

ma ahan  markii ugu horaysay oo la xirxiro gaadidka dadwaynaha ee ka dhex shaqeeya magaalda garawe hada ka hor ayaa marbadan dowlada hoose xayiraad ku soo rogtay gaadidkaas iyada  oo aysan ilaa iyo hada cadayn sababaha kalifay isfahmi waaga soo noq noqday ee ka dhaxeeya dowlada hoose iyo wadayaasha gaadidkasi.

Mararka ay dhacdo in shaqada laga joojiyo gaadidka ay dadwaynuhu racaan ee PL-ka dhibaatada ugu wayni waxay soo food saartaa ardayda wax ka barta magaalda Garawe ooay ku adkaato in ay sidhakhso ah garaan goobaha wax barashada oo laga yaabo in qarkood ay wax ka bartaan meel magaalada ka baxsan

DAAWO SAWIRADA