Ka dib socod ay soo mareen qaybaha xaafadaha Boosaaso ayaa waxaa munaasabad qurux badan lagu qabtay hoolka dawlada hoose ee degmada Boosaaso taasoo ku aadanayd xuska sanadguurada 13 aad ee aasaaska Puntland iyadoo gudaha hoolkaasi ay ka muuqatay qalabka hidaha iyo dhaqanka noocyadoooda kala duwan sida dagmooyinka, dhiilaha, cowda, saliga xariirta ah, xeero iyo fandhaal kuwaasoo dadkii ku sugnaana ay xirnaayeen dhar ku astaysnaa calanka Puntland.

Ugu horayntii waxaa munaasabadaasi ka hadlay duqa degmada Boosaaso Maxamuud Faarax Maxamuud oo isagu sheegay in degmada ay kaalin mug leh ay ka qaadatay Xuska maalintan oo uu sheegay in muwaadin walba ay waajib ku tahay soo dhowaynta maalinta 1ogost oo sababtuna ay tahay horumarka iyo nabada ay shacabka reer puntland harsanayaan.

Cabdisamad Maxamed Galan gudoomiyaha cusub ee gobolka Bari ayaa isna shacabka Puntland gaar ahaan kuwa gobolkn  ugu hambalyeeyay sanadguurada 13aad ee aasaaska Punland waxuuna u rajeeyay sanadkan kiisa kale horumar nabad iyo baraare. waxaa uu sidoo kale ka hadlay dhanka amniga iyo shaqo la,anta dhalinyarada Gaar Ahaan uu ku tilmaamay in gobolka Bari uu yahay kan dhalinyaradiisu ay shaqo la,aanta ay yihiin taasoo uu sheegay in lagaga bixi karo nabadgelyo iyo isku duubnaan Shacabka ku salaysan.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Bari Maryan Guduudo gudoomiyaha dalada benderqaasim Faadumo Nuuur Mama Afrika iyo Waliba gudoomiyaha haweenka degmada Boosaaso Khadro Dhuungale oo dhamaantood sheegay in haweenku ay laf dhabar ka ahaayeen aasaaska Puntland iyo waliba Munaasabadan.waxaa sidoo kale goobtaasi ka muuqday dadka barakacayaasha oo iyagu ay ka muuqatay wadananimo Soomaliyeed kuwaasoo xirnaa dharka hidaha kuna dhwaaqayay guubaabo iyo qaranimo.

Sawiro

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso