Magaalada Berlin oo ay ka dilaaceen tuugo jeebsiib ba’an ku haya dadka safarka ah

Dadka musaafurka ah gaar ahaan dalxiisayaasha booqanaya magaalada Berlin ee caasimada dalka Jarmalka ayaa looga digay tuugo halkaasi ka dilaacdey oo xatooyo jeebsiib ah ka wada goobaha dadku isagu yimaadaan ee bartamaha magaaladaasi.

Jariidada maalinlaha ee lagu magacaabo Tagesspiegel  ee ka soo baxda magaalada Berlin ayaa tabisay war sheegaya in 20% ay kordheen tuugada jeebsiibka ku dheeraysa ee ka qaraabta magaalada Berlin, kuwaasi oo siyaado noqdey 9-kii bilood ee ugu horeeyey sanadkii la soo dhaafay ee 2011.

Goobaha ugu daran ee tuugada Jiibsiibka ka wado ee ay sida xoogan uga dilaacdey ayaa waxaa ka mid ah deegaanka  Alexanderplatz ee Bariga magaalada halkaasi oo ay ku badan yihiin goobaha loo dalxiiska tago sida beerta xayawaanka, iyo waliba xarumaha tareenada laga raaco.

Wargeyska Tagesspiegel  wuxuu sheegay in tuugadan ay yihiin kuwa xarfaan ah oo farsamooyin casri ah dadka ku xadaya, iyadoo Booliisku ay walaac ka muujiyeen kororka kooxahan tuugada ah.

War laga soo xigtey Booliiska ayey sheegeen in 9,356 dhacdo ku saleysan tuuganimo jeebsiib loo soo gudbiyey taasi oo ka dhigan in 17.5% ay kordheen falalkaasi marka loo eego sanadkii ka horeeyey 2011.

Booliisku waxay kaloo daboolka ka qaadeen in marka laga soo tago farsamada sareysa ee kooxahan tuugada ay hadana kordheen kooxo ku qaraabnaya hay’ado iyo NGO kuwaasi oo dadka lacag ka urursanaya iyagoo sheegaya in ay ka socdaan ururo samafal  iyo caawinayaan dad waayeelo ah oo guryo ku sugan.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

One Response to Magaalada Berlin oo ay ka dilaaceen tuugo jeebsiib ba’an ku haya dadka safarka ah

  1. Abdulaziz hamud says:

    Marka hore wad mahadsan tahay wariye mowlid runti waa arin an nagu cusbay ani waxan joga nairobi kenya runti halkan layabna yurubna maka jirta layabka mowlid london iska ilali haday ka bil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print