Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ka dalbatey dawlada Canada inay xirto oo ay cadaalada horkeento Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W Bush oo lagu soo oogay dacwado la xiriirta ku tamasho xuquuqda aadamaha, gabaadfalo uu masuul ka yahay oo la geystey tan iyo markii uu bilowdey dagaalka waxa loogu yeero argagixisada ee Mareykanku horboodayo.

“Canada waxaa looga baahan yahay fulinta qaraarada caalamiga ah waa inay xirtaa oo ay cadaalada horkeenta Madaxweynihii hore Bush taasi oo ku aadan masuuliyadiisa dambiyada caalamiga ah ee la xiriira ku tumashada xuquuqda aadamaha sida jirdilka” sidaasi waxaa  shaaca ka qaaday Susan Lee oo ka mid ah masuuliyiinta sar sar ee hay’adda Amnesty International oo ay soo xigatey wakaalada wararka ee AFP.

George W Bush ayaa 20 bishan October la filayaa in uu booqasho ku tago wadanka Canada halkaasi oo uu kaga qayb galayo shir caalami ah oo dhaqaalaha ku aadan.

Amnesty International waxay sheegtey in dawlada Mareykanka ay ku guuldareysatey in ay cadaalada horkeento Bush, waxaana ay ugu baaqdey beesha caalamka inay ka shaqeyso sidii loo arintaasi loo hirgalin lahaa.

“Hadii dawlada Canada ay ku guuldareysato inay talaabo ka qaado Bush inta uu booqanayo dalkeeda, taasi waxay meel ka dhac ku tahay heshiiska caalamiga ah ee ka dhanka ah gabood falka, taasi oo ah meesha ka saaraysa unugyada aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha” ayey hadalkeeda ku sii dartey Lee.

Amnesty waxay ku eedaysay Bush in uu amrey in loo adeegsado farsamo & awoodo xad dhaaf ah dadka loo qabto arimaha waxa loogu yeero argagixisada sida in dadkaasi biyo lagu shubo iyadoo hay’adda CIA-da Mareykanka ay u addeegsanaysay falal ka dhan ah bini’aadamtinimada maxaabiista sanadihii 2002 ilaa 2009.

Maxaabiista Mareykanka uu ku hayey xasbiyada Ciraaq, Afgaanistaan & waliba Guantanamo Bay oo ay ilaa iyo hada qaar badani ku jiraan ayaa laga soo wariyey falal ka dhan ah bini’aadamtinimada waana mida keenyey in Amnesty International ay dhexda u xirato sidii cadaalada loo horkeeni lahaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush.

“Canada waxay ka mid tahay wadamada saxiixay mucaahadada ay ku dhisan tahay Amnesty International hadii aanay qaban oo cadaalada aanay horkeenin waxay ka dhigan tahay talaabo xadgudub ah oo qaanuunka caalamiga ah, isla markaana u muuqanaysa in loo adeegsado wadamada aan awooda laheyn sharciyada ilaalinta xuquuqda aadanaha” ayuu yiri Hashimi Ali oo ah qabiir dhanka xuquuqda aadanaha oo u dhashay wadanka Iiraan.

Halkan ka akhris warbixinta Amnesty International

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com