20130607_105755-e1370595009316
Madaxweyne yaasha Puntland iyo dowlad goboleedka Cusub ee Jubaland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulankoodii ugu horeeyay maanta ku yeeshay magaalada Nairobi cariga dalkaasi Kenya.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa ahaa mid la isula soo qaaday dhinacyo badan oo ay ugu weyntahay siyaasada Jubaland iyo hadal heynta Dowlada Federaalka dhanka Dastuurka iyo arimo kale .

Waxaa goob joog ahaa kulankaas Xubno kala duwan oo ka kala tirsan labada dhinac, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha gudaha Puntland Mr C/laahi Axmed Jaamac Ilka jiir, Rai’sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashid Cali Sharmake, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, Gudoomiyaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Shiikh Maxamad Maxamud Yusuf (Aw Libaax), iyo mas’uuliyiin kale.

Waxa uu ku dhamaaday kulanka labada dhinac Si wanaagsan oo la isku afgartay waxyaabihii la isla soo qaaday, Waana markii ugu horeysay oo ay kulan yeeshaan labada masuul xili ay jiraan xaalado siyaasadeed oo u dhexeeya Masuuliyiinta sar sare ee maamulada Puntland, Jubaland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.
BMJ1zCbCcAAoMDJ