Sida ay Wararku sheegayaan Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu booqosho ku tagayaa Magaalada Kismaayo, halkaas waxa uu madaxweynuhu kula kulmi doona  Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubba.

Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaana waxa ka mid noqon doono Howlgalada ka socda degaanada ka dhaw jubbooyinka, iyada oo sidoo kalana uu qorshaha  ku jirto sida loo xalin karo muranka dhinaca baarlamaanka ee jubba oo Baarlamanka Dalku Horay u diiday.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Kismaayo ayaa dhinaca kale waxa loo dhigaya inay xiriir la leedahay aragtida Dowladiisa rabto inay hor dhigto shir heerkiisu sareeyo oo lagu wado inuu dabayaaqada Bishan ka dhaco Muqdisho, kaas oo looga wada hadli doono sida loo wajahayo siyaasadda dalka marka uu dhamaado xiliga dowladda hada jirta.

La soco faah faahinta.