Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne Xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa u kuur galaya xaaladihii ugu dambeeyay ee soo wajahay gobolka Gaar ahaan Magaalada xarunta  u ah ee baladweyne halkaas oo ay ka dhaceen masiibooyin ka dhashay roobab iyo fatahaado .

Waxaa uu madaxweynaha kormeeri doonaa goobaha ay ku sugan yihiin qaxootiga ka barakacy masiibooyinka, waxana uu kulamo la qaadan doonaa maamulka Dowlada Soomaaliya ee Gobolka iyo kan degmada Baladweyne, iyo weliba laamaha amaanka gobolka sida ciidamada amisom iyo kuwa itoobiya ee ku sugan.

Maalintii shalay ayay aheyd markii madaxweynaha uu booqasho shaqo oo gaaban ku tagay magaalada Baydhabo xarnta gobolka Baay waxaana ay noqoneysaa tan uu maanta ku yimid baladweyn tiilabaad tan iyo inti loo doortay xilka.