War hadda naga soo gaaray Caasimadda Maamulka KMG Ah ee Jubbaalnd ayaa sheegaya, in daqiiqada ka hor ay halkaas caga dhigatay diyaaradii siday wafdiga madaxweyne Xassan Sheekh, Madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo madaxwene Axmed ayaa soo dhaweeyay wafdiga madaxweyne Xassan.

Diyaaradda waday madaxweynaha oo ka amba baxday magaalada Muqdisho ayaa ku dejisay garoonka magaalada Kismaayo halkaasi oo si aad ah loogu soo dhaweeyay.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, Waxgarad, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi iyo shacab aad u badan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda.

Madaxweynaha ayaa loo galbinayaa xarunta madaxtooyada Jubbaland, waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda Jubbaland.

Faah faahinta Goordhow Filo.