Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaley xarunta madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug.

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa mar kale ugu hambalyeeyay baarlamanka Galmudug hawsha wanaagsan ee ay dhowaan qabteen oo qeyb ka ah barnaamijka baahinta xukunka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka shaqeysaan caddaaladda, horumarka iyo dhammeystirka maamulka. Dowladda waxay taageereysaa dhammaan baarlamannada maamullada dalka ka jira, si dalku u gaaro horumar iyo barwaaqo waarta’’.

Kulankaasi waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka KMG ee Galmudug Cali Gacal Casir iyo mas’uuliyiin kale.

Daawo sawiro:

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed