Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furey kalfadhigii lixaad ee Baarlamanka Federaalka.

Khudbad dheer oo uu furitaanka kalfadhigaasi ka jeediyey Madaxweynaha, ayaa waxaa uu kaga hadley arrimo dhowr ah oo la xiriira hawlaha baarlamanka horyaalla, barnaamijyada dowladda ee Hiigsiga 2016 iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro Al Shabaab, iyo sida weli ay dowladda uga go’an tahay inay soo dhoweyso cid kasta oo dooneysa in nabad wax lagu xaliyo.

Furitaanka kalfadhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

Daawo Sawirro:

Baarlamanka Cumar IB0A6399 IB0A6400 IB0A6406 IB0A6410 IB0A6415 IB0A6418 IB0A6443 IB0A6458 IB0A6468IB0A6522IB0A6604ilka Xanafmm