Magaalada Adis Ababa xarunta dalka Ethiopia waxaa si rasmi ah Maanta uga furmay Shirka madaxda ku jira urur goboleedka Igad ee wadamada geeska Afrika.

Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya ugaga qeyb galaya Shirka, isagoo halkaasi gaaray Habeennimadii xalay .

Shirkan dhexmaraya madaxda Wadamada Igad waxaa la isula soo qaadi doonaa arimo badan oo quseeya wadamada ku jira Urur goboleedkan igad siiba xaaladihii ugu dambeeyay wadamo ay ku jirto Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shirka ka jeedin Doona Khudbad isagoo ka warami dona xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dhinacyada xiririka iyo wada shaqeynta dalalka kula jira Ururgoboleedka .

Shirkan waxyaabaha ku soo kordha kala soco wararka xiga ee SBC Online