Madaxweynaha Dawladda Puntalnd Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Oo Taariikhdu tahay 02, May, 2015 Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ku sii  sagootiyey Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxmweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadam , Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaan iyo weftiyadii ay kala hoggaaminayeen.

Sagootinta Madaxda iyo wefdiyada la socday waxaa sidookale ka qeyb-qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey , Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Siciid Xasan Shire , wasiiro , xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil ciidan , iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kahor intaanu  kadhoofin garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland ayaa waxaa uu  halkaasi salaam sharaf kaga qaatay  cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta dawladda Puntland iyo Kooxda Baanbeyda, iyadoo ay halkaasi ugu diyaarsanaayeen diyaaradihii ay ukala raaci lahaayeen magaalooyinka Muqdisho , iyo Baydhabo.

Sidookalena  Madaxweynaha Maamulka Jubba Axamed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa saacad kadib kaduulay garoonka diyaaradaha caasimadda Puntland ee Garoowe una anbabaxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel-gaadhka ah ee Maamulka Jubba-land.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah oo  maalmihii ugu dambeeyey kusugnaa caasimadda puntland ee Garoowe halkaas oo uu ka socdey shirkii madasha wadatashiga Dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah uuna maanta kasoo baxay war-murtiyeed lagu kala saxiixday qodobbo waxtar weyn u ah masiirka ummadda soomaaliyeed.

Daawo Sawiradda.

IMG_0140 IMG_0141 IMG_0143 IMG_0152 IMG_0154 IMG_0155 IMG_0156 IMG_0157 IMG_0158 IMG_0159 IMG_0160 IMG_0161 IMG_0164 IMG_0165 IMG_0167 IMG_0168 IMG_0170 IMG_0171 IMG_0173 IMG_0174 IMG_0175 IMG_0176 IMG_0178 IMG_0187 IMG_0190 IMG_0191 IMG_0192 IMG_0194 IMG_0196 IMG_0197 IMG_0199 IMG_0200 IMG_0202 IMG_0203 IMG_0204 IMG_0205 IMG_0206 IMG_0209 IMG_0210