Madaxweynaha dowlada federaalka ku meelgaarka ee soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed Ayaa ka qayb galay munaasabad ku aadanayd is dhaxgalka bulshada oo ka dhacday Xarunta degmada wardhiigley ee gobolka banaadir .

Munaasaban oo lagu maamuusayay isdhaxgalka bulshada doorka ay ka qaadan karto Horumarka dalka ayaa madaxweyne sh shariif uu ka jeediyay khudbad uu diirada ku Saarayay nabada iyo horumarka dalka in ay tahay muhiimada kaliya ee umadu ku Noolaan karto ayaa waxaa uu Sh Shariif hadalkiisa uu ku xoojiyay in degmada Wardhiigley magaca laga badalo oo markaasi madaxweynaha uu u bixiyay Warta Nabada.

Madaxweynaha dowlada federaalka ku meelgaarka ah ee soomaaliya ayaa arintaasi ku Nisbeeyay in shacabka degmadaasi ay yihiin horseedka nabada sidaas darteed ay mudan Yihiin magaca Warta Nabada .

Waa markii ugu horaysay uu madaxwene Sh Shariif uu magaca ka bedelo degmo ka Tirsan degmooyinka gobolka banaadir waxaana horay ay shacabka banaadir u xasuustaan Bedelaadii lagu sameeyay xaafadii horay loooranjiray If iyo Aakhiro oo markaasi Xukuumadii sideetamaadkii ay u bixisay Xamar Bille oo hoostagta degmada uu Sh Shariif uu magaca ka bedelay.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso