Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Labada gole ee Baarlamanka , Xukuumada iyo Laamaha Amaanka DKMG ah ayaa booqasho ku tagay Tiyaatarka magaalada Muqdisho halkaasi oo uu shalay ka dhacay qarax.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo indha indheeyay goobihii shalay qaraxa uu ka dhacay Waxaana isagoo halkaasi saxaafada kula hadlayay uu sheegay in dowlada KMG ah ay ka go’antahay sidii ay wax uga qaban laheyn arimaha Amaanka, iyadoona uu tilmaamay in dowlada ay gudi u saartay Falkan shalay dhacay kaasi oo soo xaqiijin doona sida ay wax u dheceen iyo weliba howlo kale oo ay u xilsaaranyihiin.

Waxa uu Madaxweyne Shariif Difaacay ciidamada DKMG ah oo uu sheegay in aanay mudneyn in lagu eedeeyo falkii shalay dhacay isagoo soo qaatay in qaladaadka ceynkaas ah ay mararka qaar dhacaan balse ay mudantahay in waxlaga barto oo aanay soo noqon.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale halkaasi ugaga diray tacsi Umada Soomaaliyeed iyo dhamaan eheladii iyo Qaraabadii ay ka bexeen dadkii halkaasi shalay ku geeriyooday, inta dhaawaca ahna uu ugu duceeyay Caafimaad.

Dhageyso Codka Madaxweynaha oo Aribo badan taabanaya .Madaxweyne Shariif

C/khaddar Maxamed Siraad
SBC International Muqdisho.